Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Deni oo cafis u fidiyay Jen Jimcaale Takar wadahadalna ugu baaqay Mucaaradka Puntland

Jimco November 17, 2023 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan Degmada Garoowe, Iyadoo soo dhoweynta ay ka qeybgaleen Maamulka Degmada Garoowe, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Caano-yaskax.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka , nabadgelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in Shacabka oo Madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, Sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan .

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay wadahadal cidkasta oo qabta aragti ka duwan dimuqraadiyadda si loo qanciyo, wuxuuna cafis Madaxweyne u fidiyey dhammaan Saraakiisha Ciidanka oo uu ku jiro Gen. Jimcaale Takar iyo dhammaan Ciidanka ka qeyb qaatay qalalaasihii ka dhacay Garoowe.

 

Isagoo muujiyey in Dowladdu dhinaceeda diyaar u tahay nabad in ay ku dhacaan Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada ee loo madlanyahay.

 

Waxaa Safarka Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD-

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA