Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda.

Jimco November 17, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.

 

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.


—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA