{DAAWO SAWIRADA} Xogta shir xasaasi ah oo ay yeesheen Wasiiro ka tirsan DF & Taliyaha NISA

0
89

Jimco November 17, 2023 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir gudoomiyay kulanka Guddiga Qaran ee Ka hortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo ay xubno ka yihiin hey’adaha Dowladda ee ka shaqeeya Dhaqaalaha iyo Amniga.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Somalia, Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha Hey’adda NISA, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia, Xeer ilaaliyaga guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah iyo maalgelinta argagixisada.

Dhammaan xubnaha Guddiga waxa ay xoojiyeen ballan qaadkooda ku aadan in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo hey’addaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Nidaam Maaliyadeed oo hufan walibana xoogan wuxuu daruuri u yahay in dalku helo maalgashi caalami ah, la xaqiijiyo amniga iyo horumarinta dhaqaallaha” ayaa lagu yiri war laga soo saaray shirkan.401724639 811484341018174 8022102074929081806 n 401694565 811484374351504 8244436504391083409 n 401691389 811484717684803 6486951830561178942 n 401672952 811484644351477 2280776021489594011 n 401609769 811484294351512 1174543818985678758 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here