Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF oo Baydhaba u dirtay markii saddexaad diyaarad sidda shixnad mucaawino ah

Jimco November 17, 2023 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii saddexaad waxay diyaarad wada shixnad mucaawino ah u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa waxay kamid tahay magaalooyinka ay sameeynta weyn ka gaysteen daadadka El-Niño, iyada oo halkaas ay ka gaysatay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed.

Gargaarkaan oo ay maanta Muqdisho ka dirtay hay’adda SODMA ayaa waxa uu garayaa ilaa 10-tan oo ka kooban raashinka fudud.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee iskugu darsoomeen daadadka iyo fatahaadaha Wabbiyada.

SODMA ayaa sidoo kale waxay maalmo ka hor sidan oo kale diyaaraddo sida shixnad mucaawino ah uga dejisay magaalooyin ay kamid yihiin Doolow iyo Baardheere, oo ay saameyn adag kasoo gaartay fatahaada wabbiga Jubba, taasi oo keentay in ay go’do buundii Baardheere.

Waxay hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen biyaha.

Gargaarkaan ayaa waxaa loogu tala-galay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA