Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi

Jimco November 17, 2023 {HMC} Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Muranga ee dalkan Kenya ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda. Kenya.

Waxay ka digeen in hilibkaas laga cabsi qabo in la geeyo ama lagu iibiyo kawaanada qaar ee ku yaala caasimadda, sida lagu daabacay mid kamid ah wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Kenya.

Ku xiigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga, Gitonga Murungi, ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 3,000 oo kilo oo hilibkaas ah oo lagu qabtay beer ku taala deegaanka Makuyu.

Waxaa uu intaa ku daray in 10 qof oo kale oo laga shakisanyahay ay baxsadeen. Mr Murungi ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in in kabadan 70 dameer la qalay mudo sadex maalmood gudahood.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA