Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo sabuul – galleyda

Jimco November 17, 2023 {HMC} Subuulka Galleyda waa cunno siyaabo kala duwan loo isticmaalo, waxayna xambaarsan tahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, waan mid ka mid ah cuntooyinka caafimaadka leh ee asalka ah, dunida oo dhanna laga cuno.

Waxaa uu kulansaday nafaqooyin kala duwan, waxaa laga helaa borotiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, xadiid, iyo maaddooyin kala nooc ah oo dhamaan waxtar u leh caafimaadka aadanaha.

Marka laga yimaado faa,iidooyinka caafimaad ee galleyda ,waa in aan sidoo kale qorshaha ku darnaa in habka isticmaalka wanaagsan uu qeyb ka noqon karo caafimaadka aadanaha

galleydu waa badarka ugu badan ee laga beero aduunka waxaan laga helaa faa’iidooyin far badan ,sabuulka waa il qani ku ah maadada fiber oo u fiican dheefshiidka,Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka,

Marka la fiirsho maadooyinka kala duwan ee ka buuxa, waxaa muuqata sida galleyda hodanka uga tahay nafaqooyinka muhiimka ah caafimaadka.

Galleydu waxay ka kooban tahay saddex qaybood, kuwaas oo dhamaan leh faa’iidooyin caafimaad, waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan burburka iyo inay duqoobaan.

Dr Kilimou Pyalo Magnoudewa, oo ah khabiir ku takhusayay nafaqada iyo caafimaadka ayaa sheegay in Galleydu qani ku tahay maadooyinka sun-saarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaranimo ee maqaarka.

Magnoudewa oo hadalkiisa sii wata wuxuu kaloo yiri ” tusaale ahaan marka aad cunto sabuulka galleyda waxay leedahay fiitamiin A aad u sarreeya oo carotenoid ah”.

Cunista galleyda mar walba waxaa laga yaabaa in kuu keento cayil ,waana cunto fudud oo mar walba la cuni karo.

Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo u roon caafimaadka wadnaha, iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, isla markaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.

Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada ilmaha uurka ku jira, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.

Dadka waaweyn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waxaa lagula taliyaa in si joogto loo siiyo galleyda maadaama ay xambaarsan tahay magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Qareen yaxye oo tagay gurigii lagu gubay Luul Cabdi casiis, wuxuu soo bandhigay wuxuu kusoo arkay.

Axad 5, May 2024 {HMC} Qareen yaxye oo tagay gurigii lagu gubay Luul Cabdi casiis, wuxuu soo bandhigay wuxuu kusoo arkay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

{DAAWO MUQAALKA} Hawlgal lagu dilay Xubno ka tirsan AS oo ka dhacay gobolka Baay

Axad 5, May 2024 {HMC} Hawlgal lagu dilay Xubno ka tirsan AS oo ka dhacay gobolka Baay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/R6OcGVDhGAM  

WARARKA