Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool

Jimco November 17, 2023 {HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Miinkeey oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa sidoo kale intuu socday waxaa lagu khaarajiyay sadax xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale ciidamada ay ku furteen hubkii ay wateen xubnaha Shabaabka ee la dilay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah ee lagu beegsanayo meelaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Maalmahii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bakool waxaa ka socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gobolkaas.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale saraakiishu waxay sheegeen inuu bilow yahay dadaalada lagu doonayo in dhamaan deegaanada Koofur Galbeed looga saaro kooxda Al-shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA