Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Jimco November 17, 2023 {HMC} Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay deegaanka Kheyletsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Xasan Maxamuud, kaasoo u geeriyooday rasaas burcada kala dhaceen qeybaha sare ee jirkiisa.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas, kuwaas oo goobta ka samewyay baaritaano aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Bishaan Novembar gudaheeda ayaa waxaa la xaqiijiyay in dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ku dhawaad 15 Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay.

Majirto cid wax ka qabaneysa dilalka joogta ah ee lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhex ganacsada, iyadoo marar badab dowladda Koonfur Afrika sheegtay iney wax ka qabaneyso, hayeshee ma suurtagalin iney qaado talaabo cad oo looga hortagayp dilalka lagu haayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Dhamaadka sanad walba waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilaa muwaadinin Soomaaliyeed oo u tira badan, taasoo lala xariiriyo in burcada dalkaas ay doonayaan dhaqaale ay ku damaashadaan maalmaha Kirismiska oo kusoo food leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA