Wednesday, February 21, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Macwuusley Cusub oo loo diyaariyay dagaalka ka dhan ah AS Ayaa la soo bandhigay

Sabti November 18, 2023 {HMC} Waxaa maanta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug lagu soo bandhigay ciidamo macawuusley ah oo kasoo jeeda dadka deegaanka, kuwaa oo sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidankan lasoo bandhigay oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa isku xilqaaday ka qeyb qaadashada dagaalka, waxaana ciidankan kormeer ugu tagay lana hadlay saraakiil katirsan dowladda.

Saraakiisha ciidanka macawuusleyda hoggaamineysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka Al Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, gaar ahaan goobaha ay wali ka joogaan gobolka Mudug.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanno badan oo kuyaalla gobolka Mudug ay ku jirto Bacaadweyn.

{DAAWO MUUQAALKA} Golaha Warsiirada Soomaliya oo Ansixiyay heshiis Taariikhi ah .

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Golaha Warsiirada Soomaliya oo Ansixiyay heshiis Taariikhi ah . HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA https://youtu.be/AT2VIR1JkC0  

{DAAWO MUUQAALKA} Baarihii kiiska eedeysane Siid-Cali oo soo bandhigay Waxa uga soo baxay baaritaanadii la sameeyay.

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Baarihii kiiska eedeysane Siid-Cali oo soo bandhigay Waxa uga soo baxay baaritaanadii la sameeyay. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA https://youtu.be/JeDyduebTlw  

WARARKA