Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DENI oo shaaciyay inuu diyaar u yahay Wada Hadal cafiyna u fidiyay saraakiisha ciidanka mucaaradka

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka.

“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowladda haatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay in aan kala hadalno.”

Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu maanta booqasho ku tegay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka, nabad-gelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen.

Sidoo kale wuxuu la wadaagay bulshada in shacabka oo madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan.

Si kastaba, hadalka Saciid Deni ayaa imanaya xilli mucaaradka uu dhawaan soo saaray jadwal doorasho, oo ku dhisan hanaankii hore ee doorashooyinka maamulka, kaasi oo kasoo horjeeda midkii uu hore u soo saaray guddiga doorashooyinka, oo dhigaya in 25-ka bisha Febraayo ee 2024-ka ay qabsoomto doorasho qof iyo cod ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA