Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddiga doorashada Puntland oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada PUNTLAND

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Guddiga doorashada Puntland ee (PEC) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa go’aan cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo ay weli ku muransan yihiin xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Guddiga PEC ayaa shaaca ka qaaday in mabda’ ahaan ay isla qaateen in maanta ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah waxa isku hayaan labada dhinac.

Guddoomiyaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lasii wado hannaanka doorashada, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada ugu horreyso oo ay qaban doonaan ay tahay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayna bilaabayaan 16-ka December.

“Waxaan isla garanay 16-ka December inay noqoto maalinta aynu daah-fureyno ama ay innoo bilaabaneyso dib u furista waxa la yiraahdo diiwaangelinta” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xisbiyada maqan, isaga oo ugu baaqay inay doorashada kusoo biiraan, isla-markaana doorkooda ka qaataan dadaallada haatan soconaya.

“Waxaan kusoo qatamiyaa inaan halkan baaq uga diro xisbiyada siyaasadda ee weli aan halkan ka muuqan inay kusoo biiraan, waana rajaynayaa” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweyne Deni uu mucaaradka u diray farriin ku aadan doorashada, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu wahadal la galo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA