Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kornayl Jimcaale: Deni isagaa dambiile ah oo dad rayid ah ku laayay Garowe iyo Bosaso

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC}  Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa.

Kornayl Jimcaale oo soo saaray war-saxaafadeed, ayaa sheegay, madaxweyne Deni inuu isagu yahay dambiile ka dambeeyay dagaalo ay dad rayid ah ku geeriyoodeen, kuwaas oo ka kala dhacay Garowe iyo Bosaso.

Kornaylka wuxuu sheegay madaxweyne Deni inuu isagu u baahan yahay inuu cafis weydiisto ciidanka kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland.

Ugu dambayn wuxuu sheegay inuu hoggaansan yahay go’aankii isimadu ay soo saareen, ee ahaa in doorashada lagu qabto waqtigeeda, oo aysan aqbali doonin dib u dhac.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA