Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Erdogan oo ballan qaad u sameeyay reer Qaza

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC} Turkiga ayaa dadaal ku bixin doona dib u dhiska kaabayaasha burburay, isbitaallada iyo iskuullada Qaza haddii xabbad joojin laga gaaro halkaas, warbaahinta Turkiga ayaa Sabtidii sidan ka sheegtay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan.

“Haddii xabbad joojin la gaaro, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah si aan kabasho uga samayno burburka ay geysatay Israa’iil,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta isagoo ku jira diyaaradii uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Jarmalka, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda Jarmalka.

“Waxaan ku dadaali doonnaa dib-u-dhiska kaabayaasha burburay ee Qaza iyo dib-u-dhiska dugsiyadii burburay, isbitaallada, biyaha iyo tamarta,” ayaa lagu yiri war ay boggeeda ku baahisay baahisay A Haber.

Horraantii todobaadkan Erdogan waxa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu in uu ku dhawaaqo in Israa’iil ay haysato hubka Nukliyeerka ah iyo in kale, wuxuuna arrintan ku soo noqday hadal uu u jeediyay suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la baaro hubka Nukliyeerka ah ee halkaasi ka jira.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA