Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shir Gudoomiyay Shirka Amniga qaranka

Muqdisho, Nofeembar 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA