Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shabeellada Dhexe: Heshiis lagu gaaray qofkii qof aano qabiil u dila in shareecada lagu xukumo

Sabti Nofembar 18, 2023 {HMC}  Kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa heshiis lagu gaaray in hay’adaha amnigu soo qabtaan qofkii qof dila, laguna fuliyo xukunka shareecada.

Heshiiskaan ayaa lagu sheegay inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay sidii loosoo afjari falalka aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo caqabad ku noqday nabad galyada gobolka.

Wasiirro ka tirsan Hirshabelle, Hay’adaha Garsoorka, Hay’adaha Amniga, Maamulada Cadale iyo Raage-ceele ayaa ka qeyb galay kulankan, iyagoo soo dhoweeyay heshiiskan. Waxayna sheegeen inay taageerayaan sidii heshiiskaas uu ku dhaqan gali lahaa.

Maamulada Cadale iyo Raage-Ceele ayaa waxay ballan qaadeen in laamaha amaanka ay u gudbin doonaan cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidiga ku ah ammaanka iyo xasiloonida deegaanada u dhaxeeya labadaasi degmo.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa gacanta ku haya ammaanka goobihii ay ku dagaalameen Maleeshiyo beeleed hubeysan, waxaana dagaaladaasi ay sababeen in dad rayid ah lagu laayo, laguna gubay guryo rayid ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA