Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Askarigii Guriceel ku dilay Cabdullaahi Cali Hudey oo isna saaki lagu tooktay

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay, Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdisalaan Cali ayaa lagu helay inuu magaalada Guriceel ku dilay allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey oo si weyn looga yaqaanay magaaladaasi.

Marxuumka ayaa sidoo kale la dhashay taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey, waxaana inta aan la dilin uu Marxuumka qayb ka ahaa ciidanka deegaanka ee dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda As ka wada aagga degmada Guriceel.

Ninka la toogtay ayaa isna aha askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda, isaga oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu baxsaday dilka uu gaystay kadib.

Fagaaraha lagu toogtay Cabdisalaan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, maamulka degmada, ehellada iyo dadweyne kale.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ninkan ayaa la dadajiyay, waxaana u dhexeeyay maalmo kooban markii lagu riday iyo saaka oo lagu fuliyay , taas oo ay soo dhaweeyeen ehellada.

Dilka Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan, maadaama dadka deegaanka iyo ehelladuba ay ka xumaadeen falkaasi.

Si kastaba, fulinta xukunka ayaa ugu dambeyn noqday xalka kaliya ee ay wada gaareen ehellada iyo mas’uuliyiinta degmada oo kaashanaya Maxkamadda Ciidamada.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale askari kale oo isna dil ka gaystay magaalada Baydhabo ay si deg-deg ah u toogatay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA