Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

CC Shakuur oo si weyn u duray arrin uu madaxweyne Xasan ku dhagan yahay

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa duray arrin uu muddooyinkii dambe si weyn ugu dhaganaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in nidaamka madaxweyne iyo ku-xigeen, oo uu meel-marintiisa ku howlan yahay madaxweyne Xasan Sheekh hore loo soo tijaabiyay, looguna fashilmay.

Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada wuxuu ugu adkeystay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga hadlay dowladihii soo maray Soomaaliya iyo nidaamkoodii, waxaana muuqata in arrintaan ay si weyn ugu aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ergeygiisu.

“Hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo duraya aragtida uu weli ku dhagan yahay madaxweynaha ee ah nidaamka Madaxweyne iyo Ku-xigeen.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Soomaaliya saddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray.

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga ahayd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, waxaa afgambiyey askarta.

2- Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey.

3- Jamhuuriyaddii Saddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay.

Haddaba, hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay.

Soomaali waxay ku maahmaadaa

“Wixii umusha u roon ayaa ilmahana u roon”

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Caasho koos ”Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Caasho koos ''Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA