Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Magaalada Garowe Iyo Dadka Oo Barakac Bilaabay.

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xiriirta in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland.

 

Sawirro lasoo bandhiggay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xiray.

 

Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado.

 

Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA