Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xassan Shiikh oo kulan sa gootin ah la qaatay danjire safiirka Kenya

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto.

Safiirka ayaa dhameystay muddo xileedkiisa danjirimo ee uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Somalia isagoo fadhigiisu ahaa magaalada Muqdisho

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ah adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya iyo gudashada waajibaadkiisa wuxuuna xusay in dowlada Somalia ay ku faraxsan tahay sida uu daacadnimada leh ee shaqadiisa u dhameystay.

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen Thomas Chepkuto ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo guud ahaan dowlada Somalia sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu dalkiisa u joogay Muqdisho.

Kenya ayaa lagu wadaa iney dhowaan safiir cusub u soo magacowdo Somalia kaasoo bedelaya Safiirka waqtigiisu dhamaaday ee u fadhiyay Soomaaliya Maj. Gen Thomas Chepkuto oo maalmaha soo socda ku laabanaya dalkiisa.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.05.2024}

Isniin-06-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf...

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

Isniin 6, May 2024 {HMC}  Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KUNAfRVFTAE

WARARKA