Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023.

Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo.

Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho.

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

Isniin 6, May 2024 {HMC}  Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KUNAfRVFTAE

{DAAWO MUQAALKA} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale

Isniin 6, May 2024 {HMC} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/o3AXNztMMtg

WARARKA