Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo ka hadashay Markab xamuul ah oo aay afduubatay Xuutiyiinta Yemen

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Israa’iil ayaa sheegtay in markabka xamuul ah oo ay saarnaayeen 25 shaqaale ah lagu afduubay badda cas maanta.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay qabsadeen markabka. Markabkan ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay dalka Britain, waxaana gacanta ku haysa shirkad laga leeyahay dalka Japan, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo aan faahfaahin ka bixin shirkadahaas.

Markabkan ayaa ka ambabaxay dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday dalka Hindiya, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo dalal kala duwan ka soo jeeda oo aanay ku jirin Israa’iiliyiintu. Ma aha markab ay leedahay Israa’iil,” ayay Israel ku tiri hadal ay soo saartay.

Kooxda Xuutiyiin Yemen kama hadlin arrintan oo ku soo aaday xili kooxdan ay ku hanjabtay iney ugaarsan doonaan maraakiibta laga leeyahay Israel ee maraya badda cas iyo gacanka Babal Mandab.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Israel ay uha hadashay afduubka Markabkan markii aysan laheyn, Shaqaalaha saarana aysan ku jirin Israa’iliyiin.

Xuuthiyiinta ayaa ah urur siyaasadeed iyo mid militari oo ah Shiicada ka dagaalanta dalka Yemen oo dagaal kula jiray xulafada uu Sacuudiga taageero.

Waxay taageero u muujiyeen Falastiiniyiinta, waxayna abaabuleen mudaaharaadyo ka dhacay Yemen, oo looga soo horjeedo weerarka Israel ku hayso Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA