Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shirkaddaha ugu waaweyn dunida oo isku dayaya in ay shirkadda Elon Musk ku qasbaan hakinta hadallada lagu taageerayo Gaza

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Iyadoo ay kordhayaan hadallada looga soo horjeedo Israa’iil ee la dhigayo barta X oo horey loo oran jiray Twitter ayaa shirkaddaha waaweyn ee Maraykanka ee kala ah IBM, Apple, iyo Disney waxay joojiyeen xaysiiska ay ku daabici jireen bartan oo uu leeyahay Alon Musk.

Go’aan kan ayaa yimid kaddib markii Elon Musk oo ah milkiilaha X iyo ninka dunida ugu qanisan uu ogolaaday qoraal ka hadlaya mu’aamarooyinka yuhuuda, isagoo sahlay in la daawado lagana jawaabb celiyo.

Elon Musk ayaa diiday in qoraalkan uu muujinayo yuhuud naceyb, wuxuna ku goodiyay in uu dacwad ka furi doono arintan.

Wuxu soo hadal qaaday cilmi baaris ay sameysay koox Maraykan ah oo garabka bidix ah oo la yiraahdo “Media Matters for America” kuwaas oo sheegay in ay caddeeyeen in iidhehyada shirkaddaha caanka ah lagu soo bandhigo qoraallo lagu amaanayo naasiyiintii, iyagoo xiganaya haddallo uu horey u yiri Adolf Hitler hoggaamiyihii Naasiga Jarmalka.

Afhayeen u hadlay X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa BBC-da u sheegay in shirkaddu si ula kac ah u maamulin xayeysiisyada caanka ah ee ay wehliso waxyaabahan oo kale, iyo in shabakadda ka go’an tahay la dagaalanka yuhuud nacaybka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA