Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay waddanka Eritrea

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii madaxeynaha dalkaas Isaias Afwerki.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Wasiirka warfaafinta Eritreal ayaa sheegay in Cumar Idris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo iskugu jira cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA