Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga naxay duqeymaha dugsiyada waxbarashad QM

Axad Nofembar 19, 2023 {HMC} Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga naxay in laba iskuul oo Qaramada Midoobay leedahay lagu weeraray in ka yar 24 saac gudahood magaalada Qaza.

“Tobaneeyo qof – dumar iyo carruur badan – ayaa la dilay oo la dhaawacay iyagoo ammaan u raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay,” Guterres ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka raadsanaya xarumaha Qaramada Midoobay ee Qaza oo dhan sababtoo ah dagaalka sii xoogeysanaya. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in dhismahayaga uu yahay lama taabtaan.”

Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uu leeyahay “tiro la yaab leh oo aan la aqbali karin” oo dad rayid ah ku waxyeeloobay, wuxuuna ku celiyay baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA