Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska DF oo shaaciyey qabashada xubno Daacish ah iyo kiisas kale oo culus

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo amni oo dalka ka dhacay, kuwaas oo lagu soo qabtay ugu yaraan 20 qof oo ku eedeysan dembiyo kala duwan.

Afhayeenka ayaa sheegay in xubnaha qaar maxkamad la hor geeyey halka kuwo kalena ay weli baaritaano ku socdaan.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaanada Puntland, xilli ay u socdeen kooxda Daacish.

Raggaan ajaanibta ah waxaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan dalka Marooko, sida uu shaaciyey afhayeenka booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay inay u socdeen kooxda Daacish ee ku jirta buuraha Calmiskaad.

Nin kale oo Daacish ka tirsanaa ayaa saakay lagu qabtay Boosaaso, isagoo maleegaya qarax uu la damacsanaa shirkad ganacsi oo ku taalla Boosaaso, sida uu sheegay afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka dibadiisa caafimaad loogu qaaday askarigii isku dhigay qaraxii ay Shabaab la damacsanaayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Booliska ayaa xusay in weli caafimaadkooda lala tacaalayo labo askari oo boolis ah oo ku dhaawacmay qarax ay fashiliyeen.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa habeeno ka hor ka dhacay agagaarka Baar-Bulsho ee degmada Howlwadaag, waxaana ku geeriyooday naftiisa haligihii lagu soo xiray oo kaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA