Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ugu Deeqday Boqol Milyan oo Doollar

London; Nofeembar 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Alshabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.


DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA