Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} FAAH FAAHIN Sirdoonka Maamulka Puntland Oo Fashiliyay Qaraxyo Lala Damacsanaa Ganacsiyada Boosaso

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

Qoraal kasoo baxay hay’adda PISA, ayaa lagu sheegay in hay’addu ay qaraxyadan fashilisay daqiiqado ka hor inta aysan kooxda soo abaabushay fulinin qaraxyadan.

Sida ka muuqatay sawirro lagasoo qaaday, waa dhowr miino oo ah kuwa dhulka lagu qariyo. Hay’adda PISA ma aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ahaa qaraxyadan.

Waxay kusoo beegmeen qaraxyadan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la bartilmaameedsanayay xarumaha ganacsiga ee magaalada Bosaso, waxaana muddo sanad gudaheed ah la gubay dhowr shirkadood.

Dhawaan ayeey aheyd markii qarax ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee magaalada Bosaso. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay falalkan u dhacayaan si lacago baad ah looga qaado shirkadaha ganacsiga.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA