Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Ammaanka ee Qaramada oo cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Saaran Soomaaliya

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.

Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023.

Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab.

Waxay ahayd Janaayo 1992, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wadajir ah u meel mariyey Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabatayn dhanka hubka ah saaray Soomaaliya.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA