Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo baahisay muuqaal ku saabsan dadka Xamaas afduubatay oo Isbitaal la geenayo

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Milatariga Israa’iil ayaa siidaayay muuqaal kaamirooyinka CCTV-ga ah oo muujinaya laheysteyaal Israa’iiliyiin ah oo la geynayo isbitaalka al-Shafa, oo ah isbitaalka ugu weyn Qasa, kaddib weerarradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la qafaashay oo ahayd haweeney askariyad ah lagu dilay halkaas.

Waxa uu sheegay in 19-sano jir ka tirsaneed ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabi jiray Captain Nova la dilay ka dib markii isbitaalka la keenay iyadoo dhaawac fudud ah.

Israa’iil ayaa ku celcelisay in Xamaas ay isbitaalka al Shifa ka dhigtay saldhig, balse Xamaas ayaa arrintaa beenisay.

“Saaka waxaan ku wargelinnay qoyska Nova, sidaan ogaannay, waa la afduubay oo waxaa lagu hayay guri ku dhow isbitaalka al-Shafa,” afhayeenka milatariga Israa’iil Daniel Higri ayaa sidaa u sheegay wariyaasha.

Xamaas ayaa hore u sheegtay in Marciano Nova oo ka tirsanayd ciidamada Israa’iil lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay, kaas oo ay milatariga Israa’iil sheegeen in uu dhacay 9-kii November.

Afhayeenka milatariga Israa’iil Rear Admiral Hagari ayaa dib u daawaday muuqaalka CCTV oo uu sheegay in laga soo bilaabo subaxnimadii 7-dii October, maalintii Xamaas ay weerar kedis ah ku qaaday koonfurta Israa’iil kaas oo ay ku dhinteen 1,200 oo Israa’iiliyiin ah. Tirada dadka Xamaas qafaalatay ayaa lagu sheegay 240 qof.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA