Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyn hore ee Soomaaliya Farmaajo oo fariin u diray dadka Soomaaliyeed

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC}  Xilli ay weli da’ayaan roobabka dayrta isla markaana dad badan ay wajahayaan dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo dadaadka ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa uu ku tilmaamay xaaladda la soo deristay dadka Soomaaliyeed mid culus.

Qoraal uu bartiisa Faceboog ku daabacay xalay ayaa Farmaajo ku yiri:“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan,”.

Madaxweynihii hore ayaa bulshada ku adkeyay in loo dheg raariciyo baaqayada ka imaanaya qaybaha dowladda,”Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah,” ayu uku yiri qoraalkiisa madaxweyne Farmaajo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA