Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Magaalo lacag abaal-marin ah siineysa qofkii soo sheega xogta qof tuugsanaya !

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Warbaahinta dalka Hindia ayaa aad u hadal heysa ammar kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Hyderabad ee ku taalla Koonfurta dalka Hindia, kuwaa oo doonaya in magaaladaasi laga mamnuuco dadka tuugsanaya.

Maamulka magaalada ayaana sheegay in qorsheenayaan kahor 15-ka bisha December ee sannadkan in magaalada laga sifeeyo gabi ahaan dadka tuugsanaya, kuwaa ay ku eedeeyeen in ay wax u dhimeen sumcada magaalada iyo dadkeeda.

Waxaana loo ballan-qaaday dadka soo sheega sidoo kale keena xogta dadka magaalada ku dhax tuugsanayo in la siinayo abaal-marin lacageed oo dhan 500 oo rupee oo u dhiganta 7 doolarka Mareykanka.

Taliyaha booliiska ee magaalada Hyderbad ayaa ku dhawaaqay labo billood oo magaalada laga mamnuucayo dadka tuugsada, waxa ayna booliiska bilaabeen in meelaha qaar ka qab qabtaan dadka tuugsada.

Tallaabadan booliiska iyo masuuliyiinta magaalada Hyderbad qaadeen ayaa la sheegay in ay salka ku heyso booqasho magaaladaasi ku tageyso Ivanka Trump oo ah gabadha madaxweynihii hore ee Mareykanka, waxaana arrintan beeniyay masuuliyiinta magaalada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA