Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Naadiya, gabadhii lagu doortay Mareykanka ee qabiilkeeda muranka la geliyey oo hal arrin xaqiijisay

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa xali lagu qabtay xaflad weyn oo lagu taageeray doorashada Naadiya Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha magaalo ka tirsan dalka Mareykanka.

Xafladda waxaa isugu yimid xildhibaano u badan beelaha Habargidir oo Naadiya ay ka dhalatay, waxaana xafladda lagu soo hadal qaaday wararka sheegaya in qabiilka Naadiya uu muran ka taagan yahay.

Xildhibaanadii ka hadlay xafladda, sida Cabdiraxmaan Odawaa iyo Qaali Shire ayaa sheegay in Naadiya ay tahay gabar ka dhalatay beesha Saleebaan ee Habargidir, sidoo kale xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda beelaha kala duwan ee Soomalaiyeed ayaa soo camiray xafladaan loogu hambalyeeyey Naadiya.

“Dadka ku wareersan qabiilka aan ahay waxaan rabaa inaan caawa u jawaabo, walaalayaal waxaan ahay waxa idinku aad tihiin oo ah muwaadin Soomaaliyeed, halkaas uga hara warka,” ayey tiri Naadiya.

Gabadhaan ayaa u mahadcelisay dadka u qabtay xafladaan taageerada ah, waxay sheegtay inay jeclaan laheyd inay ka soo qeyb gasho xafladda, balse aysan u suurtagelin oo ay ka cudur daaraneyso.

Ugu dambeyntii Naadiya waxay dardaaran u soo dirtay dadka Soomaaliyeed, waxay ka codsatay in dalkooda ay dhistaan oo nabadda ka shaqeeyaan, iyadoo sheegtay inay jeceshahay in mar un ay ku soo laabato dalkeeda hooyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA