Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’iisul wasaare Xamza oo Maanta ku wajahan Gobalka GEDO

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC}  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan.

ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku horumari doono degmada Doolow oo kamid ah meelaha ugu daran ee ku dhufteen fatahaadaha ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka oo ay iyana ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo aad u daran.

Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda Gedo, uguna kuurgeli lahaa nolosha qoysaska ay saameysay fatahaadaha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya dalka.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobolkaas.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, halkaas oo ay booqan doonaan madaxda dowladdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda As.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA