Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta Doorasho Dadweyne

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markale ku celiyay in Dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta Doorasho Dadweyne si looga gudbo Doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo dooranayay.

Fiqi ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka soo socda 2024 gaar ahaan Bisha 6aad ee June in la dooran doonno Maayarada iyada oo taasi ka dhigi doonto Soomaaliya in ay cagaha saartay dhabbaha Doorashada Dadweynaha.

Waxa uu soo jeediyay in la taageero si looga dhabeeyo go’aankaan doorashada soo socota ay u noqoto mid Dadku ay ku dooranayaan qofka ay doonayaan in uu metalo, Dedaalkaan ayuu tilmaamay in ay ku howlan tahay Dowladda Federaalka.

“Sanadka soo socda bisha June waxa aan rajeyneynaa in ay dhacdo Doorashada loogu tartamayo Maayarada ee haloo gows dambeydka halagu qabsado, intaas oo degmo ah ayaa loo tartami doonnaa waxaa ku xiga Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada waxaana kusii xiga Baarlamaannada Dowlad-Goboleedyada oo ah Bisha 11aad” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada hoostaga marka laga reebo Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku heshiiyay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Dadku ay ku dooranayaan xubnaha wakiillada uga ah Siyaasadda si looga gudbo Doorashooyinka Dadban ee muddo lagu soo caana-maalayay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA