Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiintu Dalka Yemen oo qabsaday Markabka ay leedahay Israa’iil

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC}  Labo sarkaal oo ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in fallaagada Xuutiyiintu ay galabnimadiiqatiga maxaliga ah badda cas ka qabsadeen markabka Galaxy Leader.

Fallaagada ayaa ku soo degtay markabka xamuulka ah iyagoo ka soo degay diyaarad helikobter ah, ayey mas’uuliyiintu yiraahdeen, iyagoo xaqiijinaya faahfaahinta markii ugu horreysay ay soo warisay NBC News.

Xogta lahaanshaha ee maraakiibta ayaa la xidhiidha mulkiilayaasha markabka iyo Qaadayaasha Ray Car, kaas oo uu aasaasay Abraham “Rami” Ungar, oo loo yaqaan mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israa’iil.

 

Ungar ayaa u sheegay AP inuu ka warhayo dhacdada balse ma uusan bixin karin wax faallo ah maadaama uu sugayay faahfaahinta. Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan.

 

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay la wareegeen markab ay Israa’iil leedahay oo ku sugan koonfurta badda cas, iyadoo Israa’iil ay dhacdadan ku tilmaantay “fal argagixisanimo oo Iran geysatay” oo cawaaqib ku yeelanaysa ammaanka baddaha caalamiga ah.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada Xuutiyiinta ayaa Aljazeera u sheegay in dagaalyahanadoodu ay afduubteen markabka xamuulka ah ee laga leeyahay Ingiriiska iyo Japan.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA