Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Beesha Caalamka oo ka Hadashay xiisadda DAGAAL ee Magalada Garoowe

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan xiisadda ka taagan Garoowe.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda caasimada Garoowe, waxayna sheegtaan in ciidamadaas ay cabsi gelinayaan shacabka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, ayada oo ku baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa la raaciyay.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa qoraalkeeda farriin ugu dirtay madaxweyne Deni iyo mucaaradka, si loo dajiyo xaaladda cakiran ee ka taagan Puntland, Soomaaliya.

Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka” ayaa mar kale lagu yiri farriinta xubnaha Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA