Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hooyadii Lagu Gablamiyay Garowe oo Fariin Gaar ah U dirtay Dhinacyada isku haayo Puntland

Talaado November 21, 2023 {HMC}  Xaaladda magaalada Garowe ayaa maanta deggan ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo shalay laga dareemay kuwaas oo sababay in qoysas tiro badani ka barakacaan xiisaddaasi.

 

Dadka ka barakacay xiisaddii shalay waxaa ka mid ahaa Cabdirixmaan Jaamac Muuse oo ahaa ardayda wax ka barta Jaamacadaha Garoowe ka dib markii la fasaxay Jaamacadiisa.

Wuxuu u safray magaalada Qardho oo qoyskiisu deggan yahay, hase yeeshee wuxuu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysay deegaanka Xaaji Khayr iyo magaalada Qardho. Maanta ayaa Cabdirixmaan lagu aasay magaalada Qardho oo meydkiisa la geeyey.

Cabdiraxmaan wuxuu ku jiray sanad jaamacadeedkiisii koowaad ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garowe, isagoo dhiganayey culuumta teknolojiyadda.

Wuxuu ahaa wiil madi ku ah labadiisa waalidba, aabbihiis Jaamac Muuse oo hore u geeriyooday wuxuu ifka uga tagay isaga oo qudha, halka hooyadiisna ay kaligiis wiilal ka dhashay.

Sahro Dhunkaal Jaamac oo ah hooyada dhashay Cabdiraxmaan ayaa BBC-da u sheegtay in shalay ay u ahayd maalintii ugu murugada badnayd, nolosheeda oo ay gaadhay heer ay waxba kala garan waydo.

‘’Waxaan ahay qof da’ ah hadda wiilna isagaan ka dhalay oo ‘madi’ buu igu ahaa, xaaladda qoyskuna waa mid danyar ah, anigu waxaan ahay qof waayeel ah oo xanuunsan, isaga uun baan eeganayey, waanse ku samray markii aan dul tagay maydkiisa meeshii shilku ka dhacay, xaalad adag ayaan galay laakiin waan ku samray qadarta Eebbe keenay” ayey tiri hooyo Sahra.

Afar gabdhood ayaa la dhashay Cabdirixmaan oo xagga hooyada walaalo kala ah, labo ka geeri horreeyey iyo labada hadda ku nool magaalada Qardho sida ay BBC-da u sheetay Hooyo Sahra Dhunkaal.

Hindi Mukhtaar Xirsi waxay walaalo yihiin Allaha u raxmadee Cabdiraxmaan, waxay sheegtay inay wayday wiilkii u ahaa garabka kaliya ee ay eeganaysay.

‘’Dareenkayga waa mid murugo leh, ifka isagaa walaal wiil ah ii joogay, isagiina waan waayey kaliya waxaan leeyahay kuwa xiisadaha colaadeed abuuraya ka joojiyadadka mushkiladda” ayey tiri Hindi.

Kumuu ahaa Cabdiraxmaan?

Sanadkii 2002-dii ayuu Cabdiraxmaan Jaamac Muuse ku dhashay magaalada Qardho, wuxuu waxbarashadiisa hoose ka dhammeeyey iskoolka agoonta ee Qardho, isagoo dugsiga sare kaga baxay dugsiga sare ee Shiikh Cismaan ee isla magaaladaasi.

‘’Wuxuu aad ugu fiicnaa waxbarashada, wuxuu kaloo gali jiray kaalimaha hore, hammigiisuna wuxuuu ahaa inuu waxbarashada meel fiican ka gaaro ka dib qoyska oo wiil uu u ahaana wax u qabto” ayey tiri hooyo Sahra Dhuunkaal

Cabdiraxmaan wuxuu ku biiray Jaamacadda Bosaso faraceed magaalada Garowe sanad jaamacadeedkii 2022 -2023-kii, isagoo baranayey maaddada IT-ga.

Walaashii Hindi waxay xustay inuu ahaa qof dadaal badan oo inta badan ku foogganaa inuu meel sare ka gaaro nolosha.

‘’Wuxuu noo sheegi jiray inuu nolosha qoyska wax badan ka baddalayo marka uu dhammaysto waxbarasha ee shaqo helo, markasta wuxuu ii ahaa saaxiib gaar ah, balse Ilaahay ayaa iga jeclaaday” ayey tiri Hindi.

Waa sidee maanta xaaladda Garowe?

Wali waxaa xiran goobaha waxbarashada magaalada oo shalay xirmay ka dib xiisaddii ka dhalatay dhaqdhaqaaqa ciidan ee magaalada Garowe.

Mana jiraan dad maanta magaalada ka barakacay marka laga reebo kuwii shalay ka barakacay.

Dadaallo lagu xallinayo xaaladda ayaa socda iyadoo qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ay gaareen Garowe si ay ugu biiraan xalka xaaladda taagan.

Dhinaca kale siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa iyana isku xilqaamay sidii xiisaddu aysan u noqon mid intaa dhaafta.

Xigasho BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA