Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo ka qeyb Galay Shirka Maalgashiga Ee Soomaaliya

Talaado November 21, 2023 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa Guddoomiyay shirka Maalgashiga ah ee Soomaaliya ee Maalgashishada Ingiriiska.

 

Biixi Imaan Cige Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shirka furay ayaa u sheegay ganacsatada iyo Maalgashigada UK in Soomaaliya diyaar u tahay maalshagi caalami ah oo ah dhinacyada, Beeraha, Kallluunka.

 

Wasiir Biixi ayaa sidoo ka hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha dalka.

 

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay sida ay muhiim iyi fursad ah qaali ugu tahay ganacsatada iyo Maalgashigada reer UK in ay Soomaaliya maalgashadaan kaddib hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gabagabo ku dhaw.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London kaasi oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee cuntada Adduunka.

 

sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulamo gaar la qaadan dhiggiisa Wadanka ingiriiska iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda dalkaasi inta uu socday shirkaas.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA