Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Howlgalo qorsheysan oo laga Fuliyay duuleedka Muqdisho

Talaado November 21, 2023 {HMC}  Ciidamada xasilinta Caasimadda ee Boliisa Milataare ayaa xalay howlgalo qorsheysanaa ka sameeyay deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid ciidanka xasilinta ay ku xaqiijinayeen amniga guud ee magaalada Caasimadda ah, islamarkaana looga hortagaayay qatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalkooda baaritaano guri guri ah uga sameeyay xaafdaha deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana sidoo kale ay baarayeen gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa jiray howlagalo noocaan oo kale ah oo ay ciidanka xasilinta ka sameynayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Howlgaladaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in amaanka Caasimadda Muqdisho uu yahay mid la mid ah Caasimadaha kale ee Caalamka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA