Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gen. Jimcaale oo jawaab ka bixiyay baaqii nabadeed ee Odeyaasha Dhaqanka

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Taliyaha Ciidamada Danab ee Puntland Jaamac Takar ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland, isaga oo u jawaabay baaqyo nabadeed oo ay odeyaasha
dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ka jeediyeen magaalada Garowe.

General Jimcaale ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu difaaco Puntland sida uu waligiis ballan qaaday, isagoo carabka ku dhuftay in uu isagu matalo mucaaradka, mucaaradkuna ay isaga matalaan.

“Waan soo dhaweynaynaa baaqyada nabadeed, waxaana ku dhawaaqayaa in aano aqbalnay, isla markaana ma doonayno in Puntland la dumiyo, waana ilaalinaynaa oo aan badbaadinaynaa.” ayuu ku daray.

General-ka ayaa carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono sidii ay ku dhici laheyd doorasho Ù’Xur & Xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, kana fog damac shaqsiyadeed.

General Jimcaale ayaa ka mid ah taliyeyaasha Milateriga ee saameynta ku leh Puntland, waxa uuna diidan yahay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dhawaan xilka ka sii dagaya ee Siciid Deni.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA