Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shiikh Shariif, Xasan Khayre, CCW Iyo C,qaadir Cosoble Oo Shir gaar ah uga Furmaayo Muqdisho

Talaado November 21, 2023 {HMC} Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Xildhibaan Cabdul qaadir Cosoble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo inuu shir wadatashi uga furmo Magaalada Muqdisho.

 

ilo wareedyo kala duwan oo ka agdhaw masuuliyiintaas ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka, gaar ahaan nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, waxaana shirkooda la filayaa inuu wax ka bedelo saaxadda siyaasadeed ee dalka.

 

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada gole, si loo meel mariyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo la filayo in 25 bishan November uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 4aad Golaha Shacabka oo la horgeyn doono wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA