Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sida dowladda Ingiriisku ugu bixisay lacag ka badan hal milyan oo doolar tarxiilka wiil Soomaali ah

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Kiis dacwadeed oo muddo badan, ay ka taagnayd doodda dhanka sharcig ah oo ka socotay Ingiriiska ayaa ugu danbeeyn ku soo dhamaatay in halkaas laga soo musaafuriyo wiil Soomaali ah, oo lagu magacaabo Yacquub Axmed.

Yacquub ayay muddo dheer ku socotay dacwad la xiriirta Kufsi, oo ay ku wehliyeen saddex qof oo kale.

Kufsiga ayaa loogu geystay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah, oo la qiyaamay dhisme ku yaal London shan iyo toban sano kahor.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa si adag uga hadashay kiiska wiilkan, oo ay dowladda Ingiriisku horey mar isugu dayday inay musaafuriso, iskudaygaas oo fashilmay.

Iskudayga fashilmay ee musaafurinta Yacquub

Yacquub Axmed oo hadda soddon jir ah ayay dowladda Ingiriisku iskudayday inay musaafuriso sanadkii 2018kii kadib markii ay maxkamad ku riday xukun sagaal sano oo xabsi kufsiga loo geystay gabadh yar darteed.

Laakiin rakaabka la socday diyaarada qaadi lahayd wiilkan ayaa gadood sameeyay kadib markii ay ogaadeen in qof la tarxiilayo uu la saaran yahay diyaarada.

Diyaarada Turkey Airlines ee ku hakn lahayd Istanbul ayaa Yacquub usii qaadi lahayd Muqdisho.

Laakiin askartii galbineysay wiilka ayaa ku qasbanaaday inay diyaarada isaga haraan kadib gadoodka rakaabka, halkaas oo uu ku fashilmay qorshaha tarxiilka Yacquub.

Wixii markaas ka dambeeyay, wiilkan ayaa ku sii sugnaa Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo ay ku socotay dacwad horseeday in uu maxkamad kasoo muuqdo wax ka badan labaatan jeer.

Wargeysyada Ingiriiska ayaa baahiyay in wiilkan ugu dambeyn la tarxiilay Ingiriiska bishii hore, iyada oo ay ku baxday lacag badan oo caro dhalisay.

Hooyada dhashay gabadha la kufsaday ayaa warbaahinta u sheegtay inay ku faraxsantahay tilaabada la qaaday, iyada oo ay sheegtay inay rajeyneyso in musaafurintu ay gacan ka geysan karto in cadaalad ay helaan dhibeneyaasha la midka ah gabadheeda.

Doodda ku saabsan lacagta ku baxday kiiska Yacquub Axmed inta ay socotay
Dhaqaalaha ku baxay kiiska intii uu socday ayaa aad looga hadal hayaa gudaha Boqortooyada Ingiriiska taas oo ah mid aad u badan sida ay sheegeen dadweynaha dalkaasi.

Ku dhawaad hal milyan oo lacagta Giniga ah ayaa ku baxday muddadda dhagaysiga heerarka kala duwan ee dacwadda.

Lacagta ayaa isugu jirta mid la siiyay qareennada difaacayay Yacquub, mida lagu kireeyay diyaaraddii lagu masaafuriyay iyo kharash kale oo laga bixinayay hoyga iyo adeegyo kale14-ka toddobaad ee ugu horeeysa marka lagu soo cesho Soomaaliya.

Yacquub Axmed waxaa laga bixinayaa marka Soomaaliya lagu soo celiyo qarashka huteelka uu dagayo, ilaalada sugaya ammaankiisa iyo caafimaadkiisa oo dhamaan dowladda Ingiriiska ay bixinayso.

Lacagtaan ayay dadweynaha Ingiriiska waxay sheegeen in tahay mid aad u badan oo aysan mudnayn in canshuurta laga qaado la siiyo dad danbi ka galay dalkooda.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ee garoonka Aadan Cabdulle ee magaladda Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in ninkaaa aan laga soo dejin garoonka, aysanna hayn wax macluumaad ah oo ku saabsan.

Laakiin Sarkaal kale oo ka tirsan ha’yadda Socadaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya gaar ahan qeybt hubinta sharciydda ayaa BBC u sheegay in Yaqcuub Axmed Muqdisho lagu keenayay diyaaradda gaar ah oo Ingiriiska kasoo qaaday.

Kiiska dacwada Yacquub Axmed waxa uu banaanka keenayaa hababka cakiran iyo hanaanka sharciga ee masaafurinta ee Ingiriiska.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA