Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

ISRAEL oo si xooggan uga carootay Tallaabo ay qaaday dowladda African Ah

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC}  Maamulka Israa’iil ayaa u yeertay safiirkii u joogay dalka Koonfur Afrika, go’aankaan ayaa daba socda “hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray dowladda Koonfur Afrika.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil Lior Haiat ayaa barta X ku shaaciyey in hadaladii ka soo yeeray K/Afrika dartood ay ugu yeerteen safiirkii ka joogay dalkaas.

Afhayeenku ma sheegin waxay yihiin hadalladaas ay ka carootay Israa’iil ee sababay inay u yeertaan Danjirahoodii Koonfur Afrika.

Hasayeeshee dowladda Koonfur Afrika ayaa kol sii horeysay si weyn u dhaleeceysay howlgallada ay ciidamada Israa’iil ka wadaan dhulka reer Falastiin, gaar ahaan Qasa.

Khumbudzo Ntshavheni oo ah wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa Isniintii waxay ku boorrisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu, bartamaha bisha soo socota ee December.

Khumbudzo Ntshavheni ayaa sheegtay in haddii taas la sameyn waayo ay muujinayso “guuldarrada guud” ee maamulka caalamiga ah.

In Israa’iil ay dib ugu yeerato Safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika ayaa waxay ku soo beegmaysaa wax yar ka hor inta aan Koonfur Afrika lagu qabanin shir-madaxeedka kooxda Brics, oo ay qeyb ka yihiin waddamada Shiinaha iyo Ruushka, shirkaas ayaa ku saabsan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Kulanka oo uu guddoomin doono madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro jawaab adag oo ku aaddan colaaddaas oo galaafatay kumanaan shacab Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israa’iil ay u xasuuqeen si ku talagal ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA