Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu ku salaysan yahay dagaalka cusub ee Shiinaha ku qaaday masaajidda?

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Shiinuhu wuxuu xirayaa, burburinaya oo dib u habeynayaa masaajidda dalkaas. Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa sidaa ku eedeysay shiinaha warbixin cusub oo ay soo saartay.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah “dadaal nidaamsan” oo lagu doonayo in lagu xakameeyo ku dhaqanka Islaamka ee Shiinaha, ayay tiri HRW.

Dalka Shiinaha waxaa ku nool ilaa 20 milyan oo Muslimiin ah, kuwaas oo sida rasmiga ah u diiwan gashan (diin la’aan) wallow ay dawladdu sheegtay in ay ogoshahay xoriyadda diinta.

Si kastaba ha ahaatee, Kormeerayaasha ayaa sheegaya in ay sare u keceen falalka ka dhanka ah diinta abaabulan sannadihii la soo dhaafay – iyada oo Beijing ay raadineyso xakameyn weyn.

BBC-da ayaa la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha iyo guddiga arrimaha qowmiyadaha si ay uga faalloodaan ka hor daabacaadda warbixinta HRW.

“Xiritaanka, burburinta iyo dib u habeynta dowladda Shiinaha ee masaajidda waa qayb ka mid ah dadaallada nidaamsan ee lagu xakameynayo ku dhaqanka Islaamka ee Shiinaha,” ayay tiri Maya Wang, oo ah ku-simaha agaasimaha Shiinaha ee Human Rights Watch.

Warbixintu waxay daba socotaa caddaymo isa soo taraya oo muujinaya tacadiyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah Muslimiinta Uyghur, kuwaas oo ku nool gobolka Xinjiang ee waqooyi-galbeed ee Shiinaha. Beijing waa ay diiday eedeymaha xadgudubka.

Inta badan Muslimiinta Shiinaha waxa ay ku nool yihiin waqooyi-galbeed ee dalkaas, oo ay ka mid yihiin gobollada Xinjiang, Qinghai, Gansu iyo Ningxia.

Tuulada ay ku badan yihiin Muslimiinta ee Liaoqiao ee ismaamulka Ningxia, saddex ka mid ah lix masaajid ayaa laga dumiyey qubbadihii iyo minaaradaha, sida ay sheegtay HRW. Inta soo hartay waxaa la burburiyay hoolalka ay ku tukanayeen, ayay tiri.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo ay heshay HRW ayaa muujinaya qubbad wareegsan oo ku taal masaajid ku yaalla tuulada Liaoqiao oo lagu beddelay naqshadda shiinaha ee pagoda waqti u dhexeeya Oktoobar 2018 iyo Janaayo 2020.

Ilaa 1,300 oo masaajid oo ku yaalla Ningxia ayaa la xiray ama la beddelay tan iyo 2020-kii, sida ay BBC-da u sheegtay Hannah Theaker, oo ah caalim wax ka dhiga Muslimiinta Shiinaha. Tiradaasi waxay ka dhigan tahay saddex meelood meel masaajidda guud ee gobolka.

Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, xisbiga shuuciga ayaa isku dayay inuu diinta la waafajiyo fikirkiisa siyaasadeed iyo dhaqanka Shiinaha.

Sannadkii 2018-kii, golaha dhexe ee xisbiga Shuuciga Shiinaha ayaa daabacay dukumeenti tilmaamaya xakamaynta iyo badalidda masaajidda. Waxay ku boorisay dawlad-goboleedyada inay “burburiyaan masaajid badan oo ay dhisaan tiro yar, oo ay sameeyaan dadaallo lagu cadaadiyo tirada guud” ee dhismayaashan eebe lagucaabudo.

Dhismaha, qaabka iyo maalgelinta masaajidda waa in “si adag loola socdo”, sida ku cad dukumentiga.

Cadaadiska noocan oo kale ah ayaa ahaa mid aad u dheer oo aad u daran oo lagu hayey gobollada Tibet iyo Xinjiang, laakiin sidoo kale wuxuu ku fiday meelo kale.

Dalka Shiinaha waxaa ku nool laba qowmiyadood oo Muslimiin ah. Huis-gu waxa ay ka soo jeedaan Muslimiin yimid Shiinaha Qarnigii 8aad ee boqortooyadii Tang Dynasty. Kooxda labaad waa Uyghur, oo badi deggan Xinjiang. Qiyaastii saddex-meelood laba meel masaajidda Xinjiang ayaa la dhaawacay ama la burburiyay tan iyo 2017, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Machadka Siyaasadda Istaraatiijiyada ee Australia, oo ah fakiro madax-bannaan.

“Guud ahaan, Ningxia waxay ahayd goob tijaabo ah oo lagu hirgelinayo siyaasadda ‘Sinicization’, sidaas awgeed, dib-u-habaynta iyo isku-darka labaduba waxay u muuqdaan inay ka bilowdeen Ningxia oo ka horreeya gobollada kale,” ayuu yidhi Dr Theaker, oo wax kala qoraya warbixin ku saabsan Muslimiinta Hui aqoonyahan David Stroup oo deggan Maraykanka.

“Sinicisation” waxaa loola jeedaa dadaallada Mr Xi ee uu ku beddelayo caqiidada diimaha si ay uga tarjumaan dhaqanka iyo bulshada Shiinaha.

Dawladda Shiinaha ayaa ku andacoonaysa in la isku xidho masaajidda – taas oo inta badan dhacda marka tuulooyinka la raro ama la isku daro – ay gacan ka geysato dhimista culayska dhaqaale ee saaran Muslimiinta, laakiin qaar ka mid ah Muslimiinta Hui waxay aaminsan yihiin inay qayb ka tahay dedaallada lagu doonayo in daacadnimadooda loogu wareejiyo xisbiga talada haya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa si cad uga soo horjeestay siyaasadahan “Sinicization”, laakiin iska caabintoodu waa mid laga awood badan yahay. Sanado badan, qaar badan ayaa la xiray ama la xannibay ka dib markii ay isugu dhaceen mas’uuliyiinta xiritaanka ama burburinta masaajidda.

Ka dib marka ay ka saaraan walxaha masjidka banaankiisa ah, dawladaha hoose ayaa markaa ka saari doona tas-hiilaadka lagama maarmaanka u ah hawlaha diineed sida goobaha waysada iyo meelaha wacdiga, sida uu qabo dhaqdhaqaaqa Hui ee fadhigiisu yahay Maraykanka Ma Ju.

“Marka ay dadku joojiyaan inay aadaan [masaajidyada,] mas’uuliyiinta waxay markaas marmarsiinyo ka dhiganayaan inaan la isticmaalin kadibna way xirayaan masaajidda,” ayaa laga soo xigtay warbixinta Human Rights Watch.

ISHA BBC SOMALIA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA