Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Hub ka dhigista DG Hir-Shabeelle: “Dadka waxaa laga dhex qabanayaa Kuwa Fidnada ka shaqeynaya”.

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC}  Cabdixamiid Maxamed Cali Wasiirka hub ka dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyaad ee Dowlad-Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo lagu xoojinayo nabadeynta deegaannadaas.

Waxa uu tilmaamay in waxba kama jiraan uu yahay war la faafiyay oo ah in Beelaha Qaar la beegsanayo si hubka ay heystaan looga qaado, digniin ayuu Wasiir Cabdixamiid u diray shakhsiyaadka arrintaas ku howlan sida uu hadalka u dhigay.

Howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayuu ku sifeeyay in uu yahay mid lagu soo celinayo Amniga iyo is dhexgalka Bulshada si arrintaasi loo xoojinaya loo baahan yahay in loo dhabar-adeego howshaas socota sida uu yiri.

“saddexdii bilood ee lasoo dhaafay wixii halkaan ka dhacayay waad wada ogtihiin oo dagaalku waxa uu isku baddelay ‘Dagaal Mindhicireed’ waxa aan ka shaqeyneynaa in aan gacan adag kusii heyno Amniga, warka ku tiri kuteenta ah ee sheegaya qoys degen Cadale in la beegsanayo waa been abuur, Dadka waxaa laga dhex qabanayaa kuwa fidnada wada ee ku dhex jira” Wasiirka Hub ka dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyaadka DG Hir-Shabeelle.

Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo kaashaneysa Dowladda Federaalka ayaa diiradda saartay xal u helista dagaal beeleed kusoo noqnoqday deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana goobihii ugu badnaa ee dagaalladaas la dejiyay Ciidamo Booliis & Nabadsugid ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA