Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo shaaciyey muddada u hartay inay Al-Shabaab uga adkaadaan

Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC}  Soomaaliya waxay haysataa hal sano si ay dalka uga saarto kooxda AS, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo uu dhow yahay waqtiga loo qabtay in ciidamada ATMIS ay dalka kaga baxaan oo ah December 2024.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaa AS dalka laga saaro horraanta sannadka 2024.

“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay dad goobjoog ka ahaa Machadka Royal United Services Institute ee London.

Diiradadu waxay ahayd ciribtirka “haraadiga” AS, ayuu yiri. Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.

Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah AS ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray AS  tan iyo bartamihii 2010, laakiin AS  ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay horumarka la gaaray mid dhiirogelin leh, isagoo intaa ku daray in hadda aysan muuqan wax muujinaya in madaxda AS ay doonayaan in wadahadal lala galo dowladda.

“Waxaan aaminsannahay inaan AS  uga adkaan doono ciidan ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Royal United Services Institute oo ka dhacay London Talaadadii.

“Ma hayno wax calaamad ah oo muujinaya in AS  ay doonayaan wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya [laakin] haddii ay taasi dhacdo berri waa midda aan door bideyno.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA