Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi uu Hogaminayo madxaweyne Xassan Shiikh ioo gaaray Magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya

KHamiis Nofembar 22, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweyeyey magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan
Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika {EAC} ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA