Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

In ka badan 50 qof oo gaajo ugu dhintay Itoobiya oo ay abaar ka jirto

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC}  In ka badan 50 qof ayaa lagu soo warramayaa inay gaajo ugu geeriyoodeen gobollada Amxaarada iyo Tigray ee Waqooyiga Itoobiya sababo la xirriira abaar ka jirta halkaas, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen mas’uuliyiin.

Sida laga soo xigtay xafiiska ka hortagga gobolka Tigray, 46 qof oo barakacayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii ay gurhooda uga soo qaxeen abaarta.

Dhimashada ayaa ka dhacday magaalo la yiraahdo Yechila, sida uu sheegay madaxa xafiiskaas, Gebrehiwot Gebregziabher.

Gobolka ay deriska yihiin ee Amxaarada gaar ahaan deegaanka Wag Hemra, ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday iyo sidoo kale 4,000 oo lo’a ah sababo la xirriira cunto yari jirta, sida uu sheegay sarkaal maxali ah.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa muddo laga joogo ilaa shan bilood ka hor joojiyay gargaarkii la geyn jiray Itoobiya sababo la xirriira eedeymo xatooyo ah.

ISHA BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA