Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

ITOOBIYA oo u weecatay Somaliland kadib hanjabaaddii Abiy Ahmed ku dalbaday BAD

KHamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa wada-hadallo la furtay maamulka Somaliland, ayada oo kala hadleysa isticmaalka dekedda Berbera, toddobaadyo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku hanjabay inay qasab tahay inay helaan dekad.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii October sheegay in qeyb ka helitaanka Badda Cas “ay tahay arrin ku xiran jiritaanka Itoobiya”, hadalkaasi oo walaac ka abuuray dalalka deriska ah ee Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ENA, wasiir Alemu Sime ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey halka ay marayaan wada-hadallada Somaliland.

Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wada-hadallo ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aaddan isticmaalka dekedda Lamu ay meel wanaagsan marayaan.

Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA