Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Somaliland oo shaacisay inay weerar kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban 3 dhinac

Khamiis Nofembar 23, 2023 {HMC} Somaliland ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay inay shalay kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, islamarkaana lagu waxyeeleeyey dad shacab ah.

“Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ahaa fal wuxuushnimo ah iyo sidoo kale xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Weerarka ayey Somaliland sheegtay inay soo qaadeen isbaheysi ka kooban, Al-Shabaab, maamulka Puntland iyo wax ay ugu yeertay maleeshiyada Garaadada ee Laascaanood

“Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa sheegtay in weerarka uu sidoo kale yahay isku day uu maamulka Puntland dareenka uga weecinayo xasaradaha ka taagan gudaha maamulkaas.

“Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ma ogolaanayso inay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee loo adeegsanayo qalab siyaasadeed ahaan,” ayey tiri Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxaa ka go’an badbaadada iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, waxaanay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda ku sugan gobolka Sool ee Somaliland.”

Somaliland ayaa ugu dambeyn ku hanjabtay in aanay ka laba labeyn doonin inay dhulkeeda la aqoosan yahay ka difaacdo nooc kasta oo gardarro ah
Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale, SSC-Khaatumo oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, balse ay iska difaaceen ciidamadeeda.

“Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA